Akhri: Xoolaley iyo xoolahooda oo ku debadbaxay caasimada Faransiiska (Sawirro) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Akhri: Xoolaley iyo xoolahooda oo ku debadbaxay caasimada Faransiiska (Sawirro)

Mareeg.com: Xoolo dhaqato u dhalatay dalka Faransiiska ayaa arigooda qaab debadbax ah usoo tubay wajiga hore ee Taawarka dheer ee astaanta u ah dalkaas ee loo yaqaano “Eiffel Tower”.

Xoolo dhaqatadan ayaa ka cabanayey siyaasadda dowladda Faransiiska ee ka hortaga Waraabaha oo ay sheegeen inuu laayey xoolo badan oo ay muddo dheer soo dhaqanayeen.

Waxaa loo badinayaa in dalka Faransiiska ay ku nool yihiin 250 ilaa 300 Waraabe, kuwaasoo u kala qeybsan ilaa 20 kooxood, waxeyna xoolo badan ka cuneen dadka xoolaha dhaqda.

Xoolaleyda Faransiiska ayaa Waraabaha horay uga dabar gooyey dalkooda, hase ahaatee dib ayuu u soo laabtay, waxaana dowladdu ku dartay liiska xawayaanaadka aan la dili karin, hadii uusan soo weerarin nafta aadanaha ama xoolaha dadku dhaqdaan.

Midowga Ari-dhaqatada dalka Faransiiska ayaa sheegay in mar kasta oo ay soo bataan waraabayaashu ay kordhayaan ariga ay cunayaan, waxaan Waraabe wax cuna dib loogu arkay dalkaas sanadkii 1993.

Arileyda Faransiiska ayaa sheegaya in 20 deegaan oo ka tirsan Faransiika uu waraabuhu dhibaato ku hayo xilligan la joogo ee 2014, halka sanadkii 2009 uu dhibaato ku hayey 11 deegaan oo kaliya, taasoo ka dhigan in waxyeeladiisu kordheyso.

Xool-dhaqatada ayaa sidoo kale sheegay in ilaa hadda Waraabuhu ka cunay xoolo gaaraya 8000 (Sideed Kun) oo ari ah.

Shalay oo khamiis aheyd ayey xoolo dhaqato badan isgu soo uruureen banaanka taawarka dheer ee Eiffel Tower, waxey si ay muujiyaan dhibka heysta horay usoo wadeen ari badna oo ay ku jiraan orgay, waxaro, wanan iyo neylo badan oo hooyooyinkooda Waraabe cunay.

Nin xoolo-dhaqde ah oo lagu magacaabo, Luke éthylène ayaa warbaahinta u sheegay “Waxaan halkan i imid inaan cadeeyo in Waraabe dhibaato nagu hayo, 20 sano ayuu nagu dhibayey buuraha Alpes, hadana wuxuu gumeysanayaa bariga iyo bartamaha Faransiiska, waxaana dooneynaa in la waraabaha la joojiyo”.

Luke éthylène oo careysay ayaa xusay in hadii aan la leyn Waraabaha haatan faraha ku haya Ariga Faransiiska uu arigu meesha ka bixi doono.

Madaxa Midowga Xoolo Dhaqatada Faransiiska, Serge Prarod ayaa goobta kusoo bandhigay wan yar, wuxuuna yiri “Wankaan yar hooyadiis Waraabe ayaa cunay, wuu u baahan yahay hooyadiis si uu caano u helo, marka haataan maxaan sameynaa, arrintaas ayaa maanta na keentay fahaaraaha Paris?”.

Mareeg Media

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!