Akhri: Magacyada xildhibaanada diidan mooshinka ka dhanka ah RW iyo qoraal ay u direen beesha caalamka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Akhri: Magacyada xildhibaanada diidan mooshinka ka dhanka ah RW iyo qoraal ay u direen beesha caalamka

Mareeg.com: Warbaahinta ayaa heshay qoraal xildhibaanada diidan mooshinka ka dhanka ah R/wasaare Cabdi Weli u direen beesha Caalamka. Xildhibaanada ayaa sheegay in khilaafka siyaasadeed uu gaaray heer is mariwaa ah.

Qoraalka waxaa loo diray Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Ururu Goboleedka IGAD, iyo dowladaha Mareykanka, Britain, Norway, Imaaraadka iyo Talyaaniga.

Xildhibaanada mooshin diidka ah ayaa ku baaqay:-

– In la joojiyo dhamaan cadaawadaha ka dhashay khilaafka siyaasadeed.
– In la qabto wada xaajood degdeg ah oo ay ka qeybgalaan madaxweynaha, R/wassaaraha iyo Baarlamaank si xal loo gaaro.

– In la abuuro jawi siyaasadeed oo keeni kara natiijo wax ku ool ah.

– In la texgeliyo xaaladaha dhabta ah ee hay’adaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa qoraalkooda ku sheegay iney taageerayaan in wadaxaajooda lagu dhameeyo khilaafka haatn ka taagan Soomaaliya.

Qoraalka ay xildhibaanadan u direen beesha caalmka waxey ku lifaaqeen Liis dheer oo ka kooban 117 xildhibaan, kuwaasoo ay sheegeen iney diidan yihiin in la rido R/wasaare Cabdi Weli Sheekh.

Xildhibaanada mooshinka ka keenay R/wasaaraha ayaa ku sheegaya kuwa kasoo horjeeda mooshinka iney yihiin ilaa afartameeyo.

Riix cinwaanka hose si aad u aragto qoraalka xildhibaand iyo magacayada diidan mooshinka.

Qoraalka Xildhibaanada Mooshin Diidku u direen Beesha Caalamkaattachment (1)

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!