Dabley hubeysan oo 28 qof ku dilay bas u safrayey Nairobi * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dabley hubeysan oo 28 qof ku dilay bas u safrayey Nairobi

Mareeg.com: Dabley hubeysan ayaa dad la socday gaari rabaab ah ku laayey deegaan ka tirsan gobolka Woqoyi Bari Kenya, sidaas waxaa xaqiijiyey booliska dalka Kenya.

Booliska ayaa sheegay in gaari bas ah oo siday 60 rakaab ah, kana baxay magaalada Mandera, kuna sii jeeday Nairobi ay afduubteen dabley hubeysan, islamarkaana dileen 28 qof oo la sheegay ineysan Muslim aheyn.

Sida ay sheegayaan wararka baskan ayaa la sheegay in laga leexiyay wadada, kadibna la geeyay Tuulo lagu magacaabo Carabiya oo 35 KM u jirta Mandheera, halkaasoo 28 ka mid ah dadkii saarnaa lagud dilay.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda dilka geysatay ay kala sooceen dadka Muslimka iyo dadka gaalada, taasoo qolada dilka fulisay u ekeysiineysa Alshabaab oo deegaanka horay dilal nuucaan ah uga geystay.

Alshabaab horay u sheegtay weeraro dad lagu laayeey oo tan iyo sanadkii 2011 ka dhacayey gudaha dalka Kenya.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!