Xildhibaanada iska soo horjeeda oo shirar kala gaar ah ku leh Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xildhibaanada iska soo horjeeda oo shirar kala gaar ah ku leh Muqdisho

Mareeg.com: Xildhibanada baarlamaanka Soomaaliya ee kala taageersan Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda C/wali Sheikh Axmed  ayaa maanta Muqdisho ku leh kulamo gooni gooni ah.

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibanada Mooshinka ka wada C/wali Sheikh Axmed Maxamed ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ay kulankooda diirada ku saarayaan sidii xal loogu heli lahaa buuqa xildhibaanada mooshinka diidan ku fashiliyaan kulanka baarlamaanka.

Sidoo kale Xildhibaanada Taageersan Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhankooda kulan ku leh Muqdisho’ iyagoona kulankooda uga hadlay sidii uusan u dhici lahayn Mooshinka lagu ridayo Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda.

Shirarka ay kala gaarka ah ee ay yeelanayaan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa loo diiday weriyaasha.

Labo jeer ayaa baarlamaanka Soomaaliya ku guuldareystay inuu ka doodo mooshin codka kalsoonida loogala noqonayo R/waasaare Cabdiweli, kaasoo xildhibaanada qaar rumeysan yihiin in madaxtooyadu gadaal ka riixeyso.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!