Mareeg.com: Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka ee mooshinka ka keenay Xukuumada uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed ayaa sheegay iney ku haboontahay gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari inuu tilaabo ka qaado xildhibaanada maalintii labaad kulanka carqaladeeyey ama uu kursiga ka dego.
Xildhibaan Xoosh ayaa dhanka kale ku hanjabay iney mooshin ka keeni doonaan gudoomiyaha Baarlamaanka, Prof. Jawaari haddii sida uu yiri ay ku cadaato inuu raalli ka yahay qolada fowdada ku haya baarlamaanka.
Xildhibaanka ayaa mudanayaasha diidan mooshinka ku tilmaamay kuwa kontomeeyo ah, wuxuuna yiri “Baarlamaanku uma afduubnaanayo xildhibaanno afartameeyo ah, tanina waa nooc cusub oo isbaaro ahm haddii guddoomiyuhu uu raalli ka yahayna mooshin ayaan ka keenaynaa,” ayuu Xoosh ku goodiyay.
Markii maanta shirkii Baarlamaanka ay buuq ku joojiyeen xildhibaanada taageersan R/wasaare Cabdiweli ayaa waxaa carooday xildhibaano badan oo mooshinka taageersanaa ama weday, waxeyna gudoomiyah ku eedeynayaan inuusa tilaabo ka qaadin xildhibaanada ku buuqay kulanka ee sababta u noqday inuu fahsilmo maalintii labaad.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.