Baarlamanka Soomaaliya oo markii labaaad buuq ku kala dareeray! (Sawirro)

Mareeg.com: Markii labaad ayaa maanta baarlamaanka Soomaaliya ku kala dareeray buuq, iyadoo la doonayey in golaha la horgeeyo mooshin kalsoonida loogala noqonayo R/wasaare Cabdiwele Sheekh Axmed.

Xildhibaanada taageersan R/wasaaraha ayaa markii ay hoolka shirka soo galeen gudoonka Baarlamaanka waxey bilaabeen iney qaadaan Heesta “Soomaaliye Toos”.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa isku dayey inuu xakameeyo buuqa, hase ahaatee xildhibaanadaas ayaa iska sii watay heesta.

Sidoo kale, Xildhibaanada  kasoo horjeeda mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa soo qaatay booray ay ku qoran yihiin erayo kala duwan.

Boorarka ay soo wataan xildhibaanada ayaa waxyaabaha ku qoran waxaa ka mid ah, “BADBAADI QARANKA, QOF AMA QARAN” “DHIS DHAQDHAQAAQA ISBADEL DOONKA SOOMAALIYEED” iyo erayo kale.

Markii shirku socon waayey waxaa goobta ka tegay gudoomiyaha baarlamaanka Prof. JAwaari, isagoo la sheegay aaday dhanka madaxtooyadda Soomaaliya.

Sidoo kale xubnanaha baarlamaanka ayaa iyagu qado ku dhex dalbaday baarlamaanka kadib markii la gaaray xiligii qadada loo bixi lahaa, balse iyagu goostey in ay baarlamaanka ku dhex qadeeyaan.

Waa markii labaad ee fashil ku yimaado kulan baarlamaanku ka yeelan lahaa Mooshin ka dhan ah R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, kaasoo la rumeysan yahay in laga soo abaabulay madaxtooyada.

Mareeg Media

 

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245