Hargeysa: Wafdi ka socda dowladda Itoobiya ayaa boioqasho ku jooga magaalada Hargeysa ee xarrunta maamulka Somaliland, waxaana wafdigaas hogaaminaya wasiirka maaliyadda dalkaas Ato Sufian Ahmed.
Wasiirka Madaxtooyada maamulka Somaliland, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ka warbixiyey ujeedada wafdiga Itoobiya ka socda oo ka kooban 11 xubnood.
Wasiir Xirsi oo ka mid ahaa Madaxda weftigan ku soo dhaweeyay Madaarka Hargeysa galabnimadii Arbacada ee shalay ayaa ujeedadooda ku sheegay iskaaashiga dhanka dhaqaalaha oo dhexmaraya Itoobiya iyo Somaliland.
Qoraal Wasiir Xirsi Ujeedka Weftigan ku faahfaahiyay ayaa u dhignaa sidan “Waftigan oo ka koobnaa Wasiiro iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumada dawladda Ethiopia ayaa waxaa hogaaminayey Wasiirka Maaliyada Mr. Axmed Sufiyaan”.
“Waftigan ayaanu u bandhigi doonnaa in ay Somaliland buuxisay dhamaan shuruudaha maalgashiga oo ay ugu muhiimsan yihiin nabadda, dimuqraadiyadda iyo xeerarka caalamiga ah ee Maalgashiga-ba” ayuu sidoo kale yiri wasiirka madaxtooyada Somaliland.
Wafdiga ka socda Itoobiya ee booqanaya Somaliland ayaa magacayadoodu kala yihiin:
1. H.E. Ato Sufian Ahmed, (Wasiirka Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha) Minister of Finance and Economic Development (MoFED)
2. H.E. Ato Workneh Gebeyehu, Minister, Ministry of Transport
3. H.E. Ato Ahmed Shide, State Minister, MoFED
4. H.E. Ato Ahmed Tussa, Director, Maritime and Logistics Services
5. Dr. Getachew Betru,
Director General, National Railway Corporation
6. Amb. Solomon Abebe, Director General, African Affairs, Ministry of Foreign Affairs
7. Ato Kokeb Misrak, Director, Bilateral Cooperation, MoFED
8. Ato Wassihun Abate, Director, Legal Service, MoFED
9. Ato Bekele Negussie, Deputy Director General, Ethiopian Road Authority
10. Ethiopian Electric Power
11. Ethiopian Petroleum Supply Enterprise.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.