Golaha Amaanka oo amar ku bixiyey in gaadiid dagaal oo hore leh loo diryo xeebaha Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Golaha Amaanka oo amar ku bixiyey in gaadiid dagaal oo hore leh loo diryo xeebaha Soomaaliya

Mareeg.com: Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa muddo sanad ah cusbooneysay howlgalka milateri ee ciidamada ka socda qaar ka mid ah dalalka aduunku kula dagaalamayaan Burcad Badeeda Soomaaliya.

Iyadoo la cuskanayo qaraarka lamabarkiisu yahay 2184 (2014) ee jabtarka 7-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay, ayaa Goluhu ugu baaqay dalalka iyo hay’adaha awoodda u leh la dagaalanka dambiyada badaha ee howlgalkaani quseeyo iney ka qeybqaataan howlgalka lagula dagaalamayo burcadda badaha Soomaaliya.

Golaha Amaanka ayaa dalalkaas ka codsaday iney howlgalka kusoo biiriyaan maraakiib dagaal, diyaarado dagaal iyo hub si looga hortago burcadda badaha Soomaaliya.

Sidoo kale, Golaha Amaanka ayaa ku booriyey xukuumadda Soomaaliya iney mas’uuliyad iska saarto la dagaalanka burcad badeeda iyo boobka ka dhaca xeebaha dalka.

Waxaa sidoo kale, dhamaan dalaka aduunka loogu baaqay iney sameeyaan sharciyo lagu dabageli karo burcad badeeda, si loo manuuco maalgelinta kooxahaas.

Dhanka kale, Golaha Amaanka ayaa go’aamiyey inuu sii shaqeeyo qaraakii tirsigiisu ahaa 733 (1992) ee Soomaaliya looga fududeeyey cunaqabateynta hubka, sanadkii 2013.

Dowladda Soomaaliya ayaa Golaha Amaanku ka dalbaday iney keento liis buux oo muujinaya hubka ay soo iibsatay tan iyo markii laga fududeeyey cuqabateynta hubka.

Howlgalka wadamo ka socda aduunka kula dagaalamayaan burcad badeeda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay Golaha Amaanku ansixiyey sanadkii 2008, waxaana wiuxii xilligaas ka dambeeyey si dhimay falalka burcad badeedda.

Mareeg Meida

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.