Kenya: Waxaan qabanay 10 weeraro ka geystay Nairobi oo kasoo laabtay Soomaaliya

Mareeg.com: Booliska Kenya ayaa arbacadii sheegay inuu gacanta ku dhigay 10 looga shakisan yahay iney ka tirsan yihiin Alshabaab, islamarkaana maleegeen weeraro ka dhacay gudaha Kenya.

Haweeney u hadashay booliska Kenya, Gatiria Mborok ayaa sheegtay in dadka la qabtay oo 2 ka mid ah dumar yihiin ay kasoo laabanayeen Soomaaliya markii la qabanayey, islamarkaana sii gelayeen Kenya.

“10-kaan eedeysane waxey horay ugu luglahaayeen weeraro ka dhacay Nairobi, kadib ayay u baxsadeen Soomaaliya, haddan waxey dib ugu soo laabanayeen Kenya” ayay tiri Gatiria Mboroki.

Afhayeenku ma aysan sheegin dalalka ay u kala dhasheen dadka la xiray, hase ahaatee waxey ku gaabsatay iney ku lug lahaayeen weeraro argagixiso oo laga geystay Kenaya.

Kenya ayaa sanadihii lasoo dhaafay weeraro kala kulmeysay Alshabaab, iyadoo weerarkii ugu khasaaraha badnaa ahaa kii lagu qaadan xarrunta ganacsiga Westgate ee Nairobi bishii September 2013, kaasoo lagu dilay 67 qof.

Mareeg Media

 

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245