Akhri: Wasiir ka tirsan xukuumada oo kashiftay sir cusub oo ceeb ku ah Villa Somalia

Read Time:50 Second

Mareeg.com: Wasiirka Haweenka iyo Xuquuql Insaanka dowladda Soomaaliya, Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa shaaca ka qaadday in madaxtooyada la dhex wareejinayao warqad wasiirada looga codsanayo iney is casilaan, si shaqada xukuumadda R/wasaare C/weli ay joogsato.

Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa xustay in iyada warqadaas loo keenay, islamarkaana ay diiday, waxeyna tilmaantay in wasiirada loo ballanqaadayo iney dib u helin doonaan xilal wasaareed oo kale.

“Anigu ma saxiixayo warqadda lala wareegayo ee la yeeyahay wasiirada is casila, kadibna xilal cusub ayaad heli doontaan, ainigu markii hore uma dhaaran danta hebel iyo heblaayo ee waxaan u dhaartay danta guud” ayay tiri Khadiijo Maxmed Diiriye.

Wasiir Khadiijo ayaa sheegtay iney ku qanacsantahay in khilaafka madaxweynaha iyo R/wasaaraha lagu dhameeyo gudaha baarlamaanka Soomaaliya, iyadana hadii aan xukuumadda dambe lagu soo darin ay sii ahaan doonto xubin baarlamaan oo sharaf leh sida ay tiri.

Arrintaan ayaa ceeb weyn ku ah madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo falalka nuucaas ah horay loogu riday qaar ka mid ah R/wasaarayaashii dalka soo maray.

Mareeg Media

 

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %