Read Time:1 Minute, 2 Second
Mareeg.com: R/wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed oo maanta la filayo in baarlamaanka la geeyo mooshin ka dhanka xukuumadiisa ayaa sheegay in xukuumadda qabatay shaqo badan.
“Xukuumadda Soomaaliya waxa ay horumar ka samaysay dhinaca ammaanka waxana la qaaday hawlgalo militari oo lagu wiiqay kooxaha nabadda diidan, waxaa horumar laga sameeyey siyaasadda iyadoo la abuuray Dawladihii Xubnaha ka ahaan lahaa Dawladda Federaalka, dhinaca bulshadana waxaa la sameeyey dib-u-heshiisiin la dhex dhigay dadka Soomaaliyeed, dhaqaale ahaanna waxaa si xawli ah u kobcaya maalgashiga iyo dhaqaalaha sida gaarka ah loo leeyahay” ayuu yiri R/wasaare Cabdiweli Sheekh oo qoraal kasoo saaray xafiiskiisa.
“Dhammaan horumaradan waxay ku qabsoomeen dadaalka Xukuumadda Federaalka, taageerada dadka Soomaaliyeed iyo tan beesha caalamka oo ah mid aan hore loo arag. Iyadoo guulahaasi la gaaray maanta waxaan joognaa meel aan gadaal looga noqon Karin” ayuu sidoo kale yiri Cabdiweli Sheekh Axmed.
Ra’iisul Wasaare Cabdiweli waxa uu qiray xaaladda siyaasadeed ee xilligan lagu jiro, isagoo sheegay in uu Madaxweyne Xasan Sheekh la wadaago rajada ah in xal siyaasadeed dhowaan la gaari doono.
Xildhibaanada diyaariyey mooshinka codka kalsoonida loogala noqonaya R/wasaare Cabdiweli ayaa ku doodaya inuu sharciga ku tuntay, islamarkaana uusan fulin barnaamijki siyaasadeed ee uu baarlamaanka horgeeyey 29-kii Maarso 2014.
Mareeg Media
Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame
Whatup :+447737886245
Happy
0
0 %
Sad
0
0 %
Excited
0
0 %
Sleepy
0
0 %
Angry
0
0 %
Surprise
0
0 %