Puntland & UN oo ka wada hadlay amaanka hayadaha caalamiga ah

Read Time:47 Second

Mareeg.com: Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta Xafiiskiisa Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku Qaabilay Madaxa Amniga iyo Badbaadinta UN-ka Soomaaliya (UNDSS) Mr.Marcus Cully iyo Wafdi uu hogaaminayey.

Kullan gaar ah oo Madaxweyne Gaas iyo Mr.Marcus Cully wada qaateen ayaa waxa ay uga wada hadleen dardar gelinta wada shaqeynta u dhaxeysa Puntland iyo xafiiska Amniga iyo Badbaadinta UN-ka Soomaaliya ee UNDSS.

Sidookale waxaa kullankaasi looga hadlay Xoojinta amniga Hay’addaha caalamiga ah ee ka howlgala Puntland, waxana uu Mr.Marcus Cully Dawladda Puntland ku aamanay sida ay uga go,antahay ilaalinta iyo kor uqaadida amniga hay’addahaasi.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxa Amniga iyo Badbaadinta UN-ka Soomaaliya (UNDSS) Mr.Marcus Cully ayaa isku afgartay kor u qaadista tababarka iyo aqoonta Ciidanka Booliska Puntland (SPU) oo ah ciidanka ilaalada Hay’addaha caalamiga ah,waxana uu shirkaasi ku soo dhammaaday jawi wanaagsan.

-DHAMMAAD-

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.