21 qof oo Ku dhimatay Daadad ku dhuftay Magaalada Jigjiga ee Dhulka Soomaaligalbeed. * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

21 qof oo Ku dhimatay Daadad ku dhuftay Magaalada Jigjiga ee Dhulka Soomaaligalbeed.

Khasaara xooggan ayaa ka dhashay fatahaado daran oo ku dhuftay magaalada Jigjiga ee xarunta gobolka Soomaaligalbeed dhulka soomaaliyeed ee Gacanta Xabashida Itoobiya kujira.

Guddoomiyaha magaalada Jigjiga ayaa warbaahinta u sheegay in 21 qof ay ku dhinteen daad ku dhuftay gudaha magaalada iyo hareeraheeda.boqolaal guri oo kuyaal magaalada Jigjiga ayay daadku qaadeen waxaana la la’yahay dad ka badan 8 qof oo loo malaynayo in daadku latageen.

Musiibada ayaa timid kadib markii buuraha ku hareeraysan magaalada ay si kadis ah toogaga biyaha kusoo shubeen gudaha magaalada Jigjiga taasi oo keentay in dadku maashoobaan.

Arrinta layaabka leh ayaa ah in xiligan oo jiilaal daran uu kajiro dhulka soomaalida ay biya keenaan togaga buuraha kadibna ay khasaara xooggan ka geystaan gudaha magaalada Jigjiga.

Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa dhawaan sheegtay in ay biya xireeno waaweyn ka hareer samaysa wabiga shabeelle si ay uyarayso biyaha wabiga shabeelle ee soomaaliya mara.

Lama oga in fatahaaddan cusub ee magaalada Jigjiga ay saameyn ku leedahay biya xireenada ay Itoobiya ka hareer dhistay wabiga shabeelle.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!