Qarax gaari oo khasaare ka geystay Isgoyska Afarta Jardiino * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Qarax gaari oo khasaare ka geystay Isgoyska Afarta Jardiino

Mareeg.com:- Qarax gaari oo maanta ka dhacay Isgoyska Afarta Jardiino qeybta degmada Yaakhshiid ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 3 ruux oo mid ahaa sarkaal ka tirsan nabad sugidda oo gaarigiisa lagu soo xiray qaraxa dhibka geystay.

Qaraxan ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay in ka badan 10-qof oo shacab ahaa kuwaasoo u badnaa dumarka qaadka iibiya, iyadoo goobta qaraxu ka dhacay ay aheyd suuq Qaad.

Markii qaraxu dhacay ayaa waxaa rasaas furay ciidamada booliska ah ee ku sugan Afarta Jardiino, waxaana goobta laga daadgureeyey dadkii dhaawacmay.

Qaraxyada ayaa maalmahaan dambe kusoo laalaabanayey Muqdisho, iyadoo labadii qarax ee ugu dambeeyey isla todobaadkaan ka kala dhaceen baar ku yaalla wadada Maka Almukarra iyo meel ka mid ah degmada Hodon.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!