200-Qoys oo roobabkii xaley ee Mouqdisho ku guri waayey

Read Time:42 Second

Dadkaan ayaa waxa ay ku nolayeen dhismooyin cooshado ka sameysan oo ku yaala qeybo kamida degmada Karaan kuwaas oo saameyn weyn ay ku yesheen roobabkii xalay ilaa saaka ka da’ayay Muqdisho.

Ibraahim Max’ed Cali oo kamida dadka saaka barakacay ayaa wareysi uu siiyay Radio Dalsan ku sheegay in in ka badan 200-qoys ay barakaeen markii gabi ahaan ay biyaha daadka ay bur buriyeen guryihii ay daganayeen oo markii hore aan tabar badan la hayn.

Waxa uu intaas kusii daray in ay dadka degaanka oo usoo gurmad ay caawin badan ka heleen islamarkaana la bad baadiyay caruur badan oo biyuhu ay qaadi rabeen.

Ugu dambeyn waxa uu baaq u diray Dowlada in intii kale ee wax awooda in ay gacan siyaan madaama uu sheegay in ay hada ku sugan goobo banaan ah oo ku yaala nawaaxiga isgoyska Fagax.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.