20 ruux ayaa ku dhimatay dagaal ka dhacay Bariga gobolka Mudug. * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

20 ruux ayaa ku dhimatay dagaal ka dhacay Bariga gobolka Mudug.

Dagaal  beeleed ayaa la sheegaya in uu dhaxeeyay xoolo dhaqato kasoo kala jeeda deegaanada Puntland iyo Galmudug.

Maamulada Puntland iyo sidoo kale  Galmudug ayaa midba mid kale ku eedeeyay in uu huriyay dagaalka ka dhacay Bariga gobolka Mudug.

Xaalada deegaanadii lagu dagaalamay ayaa Maanta waxaa ka taagan xiisad u dhaxeeysa laba Maleeshiyo oo hubeysan kana kala soo jeeda maamulada Galmudug iyo sidoo kale Puntland.

Agaasimaha isbitaalka Gaalkacyo ayaa sheegay in la soo gaarsiiyay dhaawacyo aad u farabadan oo kusoo dhaawacmay dagaalka ka dhacay deegaano dhowr ah oo ku yaalla Bariga gobolka Mudug oo uu ka mid yahay deegaanka Sarjimaale.

Magaalada Gaalkacyo ayaa sidoo kale waxaa laga dareemaaya xiisad colaadeed , waxaana laga cabsi Qabaa in uu dagaal ka dhaco magaalada Gaalkacyo oo ay kala maamulaan Puntland iyo sidoo kale Galmudug.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.