20 KG oo dahab oo lagu rabo Cali Saalx iyo Alxuuthi

Read Time:36 Second

Mareeg.com: Ururka Alqaacidada ee Jazeeradda Carata ee fadhigiisu yahay dalka Yemen ayaa sheegtay iney 20KG oo Dahab siin doonto ciddii disha ama soo qabata madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax, iyo hogaamiyaha Xuuthuyiinta, Cabdilmalik Al-xuuthi.

Bogga rasmiga ah ee Alqaacidada Yemen ku leedahay bogga Twitter-ka ayaa lasoo dhigay cod iyo qoraal rasmi ah oo lagu sheegay in qofkii labadaas nin dila ama soo qafaal la siin doono 20 KG oo dahab ah.

Alqaacidda ayaa Cali Cabadalla Saalax iyo Cabdil Malik Alxuuthi ku tilmaamay iney yihiin madaxa sharta haataan ka taagan dalka Yemen, ayna tahay in laga takhaluso.

Qiimaha 20 Kiilow Garaam ee Dahabka ayaa haatn u dhigma $774,000 (Todobo boqol iyo todobaatan iyo afkar kun dollar)

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %