1da Luulyo Oo Laga Xusay Ankara. * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

1da Luulyo Oo Laga Xusay Ankara.

Ankara ( mareeg ) Xaflad ay si wadajir ah usoo agaasimeen Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Ankara iyo Ururka Iskaashiga iyo Saaxibtinnimada Turkiga iyo Soomaaliya (TURSOM) ayaa xalay lagu qabtay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga.

Kulanka oo ay kasoo qaybgaleen Danjiraha Soomaaliya ee Turkiga, xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka, Jeneraallo hawlgab ah oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, masuullo ka socday xisbiga madaxweyne Erdogan ee AKP, ardayda iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ankara ayaa si qurux badan uga  qabsoomtay magaada ankara ee dalka turkiga

Mustafa Caadle oo ah guddoomiyaha  Ururka Iskaashiga iyo Saaxibtinnimada Turkiga iyo Soomaaliya (TURSOM) oo kamid ahaa masuuliyiintii xafladda ka hadashay ayaa hoosta ka xarriiqay inay nasiib darro wayn tahay in Goballadii Waqooyi iyo Koofur ee 1da Luulyo 1960kii midoobay aysan maanta mid ahayn iyo in Soomaalidu maanta iyada dhaxdeeda cadaw isku tahay.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga mudane Jaamac Caydiid ayaa isna dhankiisa sheegay in halgankii xurriyad doonka Soomaaliya uu 1960ka ku ekaa, maantana loo baahan yahay halgan cusub oo gobannimo doon ah, kaa uu ku micneeyay inay Soomaalidu dhisato dawlad awood leh oo sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed soo celisa.

Xafladda oo lagu soo bandhigay Heeso wadaniyada muujinaya, Ciyaaraha dhaqanka, Ruwaayad, iyo barnaamijyo qurux badan ayaa ugu danbaynti lasoo gabagabeeyay iyadoo dadkii xafladda kasoo qaybgalay wajiyadooda farxadi ka muuqato.

musaabadan 1luulyo oo magaalooyin  badan ka qabsoomtay lagana xusay ayaa waxeey Ankara uga duwaneeyd magaalooyinkaasi  Diyaar garoowga iyo agaasimka ay sida wajirka u sameeyeen ardayda Iyo Ururka Turksom.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!