Madaxweyne Xasan oo gudanaya waajibka Xajka

Madaxweynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee shalay  u ambabaxay dalka Sacuudi Carabiya, si ay usoo gutaan waajibaadka Xajka ee sanadkan.

Madaxweynaha ayaa casuumaad rasmi ah ka heley dowladda Sacuudiga, waxaana lagu  wadaa in gudashada waajibaadka Xajka kadib uu kulamo la yeesho madaxda dalka Sacuudiga, uuna kala hadlo xiriirka Soomaaliya iyo Sacuudiga, iyo sidii dowladda Sacuudigu ay gacan ugu geysan laheyd dadaallada nabadda iyo horumarka ee ay waddo dowladda federaalka.

Wafdiga madaxweynaha waxaa kamid ah ra’isul wasaare ku xigeen ahna wasiirka diinta iyo awqaafta ee xukuumadda federaalka, Ridwaan Xirsi Maxamed iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda.

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245