Mareeg.com: Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa saaka ku wajahan degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo qorshahaas la sheegay inuu qeyb ka yahay Howlgalka “Badweynta Hindiya”.
Taliyaha Guutada 12-ka ee April ee ka howlgala gobolka Shabeellaha Dhexe Jen. Maxamuud Maxmed Xasan “Qaafow” ayaa sheegay iney saacadaha soo socda gaari doonaan degmada Cadale oo ah degmo ku taalla xeebta badweynta Hindiya, una jirta Muqdisho ilaa 180 KM.
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa horay ugu sugnaa degmada Warsheekh oo iyaduna saran xeebta badweynta Hindiya.
Mareeg Media
Published by A Warsame is senior
Editor and managing Director of Mareeg Media
Whatup :+447737886245
Happy
0 0 %
Sad
0 0 %
Excited
0 0 %
Sleepy
0 0 %
Angry
0 0 %
Surprise
0 0 %