Guddiga Amniga baarlamanka oo ku faraxsan xilka ka qaadistii Sanbaloolshe * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Guddiga Amniga baarlamanka oo ku faraxsan xilka ka qaadistii Sanbaloolshe

Mareeg.com: Kulan maanta ay ku yeesheen magaalada Muqdisho guddiga arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka ee  baarlamaanka dalka Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin go’aankii shalay ka soo baxay golaha wasiiradda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, guulihii ay dhawaan gaareen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, iyo kuwa nabad ilaalinta midowga Africa ee Amisom.

Kulanka oo uu shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka guddiga Arrimaha gudaha iyo amniga ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, waxaana lagu taageeray go’aankii shalay golaha wasiirada ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay xilka kaga qaadeen agaasimihii hay’ada nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Xildhibaan C/naasir Gaarane oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa  talaabadii shalay golaha wasiirada Soomaaliya ay xilkii uga qaadeen agaasimihii hay’ada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ku tilmaamay mid wanaagsan, wuxuuna sidoo kale sheegay in wax umadda Soomaaliyeed ay ku faraxdo ay tahay guulihii dhawaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo kuwa amisom ay ka gaareen howlgalka badweynta Hindiya ee gobolada dalka looga sifeynayo kooxda argagaxisada  Al Shabaab, islamarkaana ay  kula wareegeen magaalooyin iyo deegaanno gobolada dalka ka mid ah.

Xildhibaan Cumar Finish oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay shirkii shalay ee golaha wasiirada oo xilkii looga qaaday agaasimihii hay’adda nabad sugida qaranka Soomaaliyeed  C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Kulanka maanta ee guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee baarlamaanka Soomaaliya  ayaa waxa uu imaanayaa kaddib markii shalay golaha wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ay xilkii kaga qaadeen agaasimihii hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka.

Agaasimaha hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyey inuu ku takri falay awoodiisa, islamarkaana uu xiray dadk xildhibaan ku jiray.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!