Jen. Dhegabadan: Godanayaal badan ayaa jira * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Jen. Dhegabadan: Godanayaal badan ayaa jira

Mareeg.com: Abaanduulihii hore ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya Jen. C/kariin Yuusuf Aadan “Dhaga-badan” oo ku sugan Magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa sheegay in dilkii hogaamiyihii Al-shabaab Axmed Cabdi Godane ee 1-dii bishaan lagu dilay gobolka Shabellaha Hoose uu soo dhaweynayo. Jen. Dhegabadan ayaa dhanka kale ka digay in leys dhigto, wuxuuna xusay iney jiraan Godaneyaal farabadan.

Abaanduulihii hore ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay jiraan rag ka tirsan Al-shabaab oo Godane la mid ah ama uu wax soo baray, waxaana uu ku baaqay in aan dilka Godane dowladda iyo Shacabkuba aysan isku dhigan.

“Godane haduu dhintay umada soomaaliyeed qoda ku taagan oo alle ka bixiyay waaye, waxaa qabaa godanayaasha waa badan yihiin wuxuu tababaray jooga wixii wax la qabsaday jooga, Godane waa dhintay yaan barkinta loo dhigan”ayuu yiri Jen. Dhegabadan.

Sidoo kale Dhagabadan ayaa ka hadlay Howlgalka loogu magac daray Badweynta Hindi waxaana uu sheegay in uu soo dhaweynayo dagaalka dalka looga saarayo Al-shabaab si loo sooceliyo kala danbeyntii luntay.

“Kooxaha jid iyo jaha diidka waa kuwa odayaasha, hooyooyinka iyo caruurta si naxariis daro dadka u laaya, waxaa ku baaqayaa in dagaalka meesha la gaarsiiyo la sii wado, inaan laga harin”ayuu yiri Jen. Dhegabadan.

1-dii bishaan ayaa duqeyn ay gobolka Shabeellaha Hoose ka geysteen diyaaradaha dagaalka Mareykanka waxaa lagu dilay hogaamiyihii Alshabaab Axmed Cabdi Godane iyo 2 sarkaal oo la socday.

Alshabaab ayaa 6-dii bishaan arrintaas si rasmi ah u shaaciyey, waxeyna Amiinkooda cusub u magacaabeen nin lagu magacaabo Axmed Cumar (Abuu Cubeydah).

Mareeg Meida

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!