18 Ku Dhimatay Qarax Ismiidaamin Oo Ka Dhacay Dalka Ruushka

Muqdisho, Mareeg.com: Ilaa 18 ayaa ku dhintay xarrun Tareenada laga raaco oo ku taalla magaalo lagu magacaabo Volgograd oo dhacda dalka Ruushka.

Sida laga soo xigtay guddiga la dagaallanka argagixisada dalka Ruushka, waxaa loo badinayaa iney qaraxaas fulisay haweeney isi soo miidaamisay, waxaana magaalada qaraxu ka dhacay ku dhowdahay gobolka Quuqaas ee rabashaduhu ka jiraan.

Weerarkaan qaraxa ah ayaa kusoo beegmay xilli lagu wado in bisha soo socota ee Janaayo dalka Ruushka lagu qabto ciyaaraha qaboobaha oo Soomaaliya ka qeybgeleyso markii ugu horreysay taariikhda.

Dadka indha-indheeya arrimaha amaanka ayaa sheegaya in weerarkan lagu tilmaami karo mid lagu carqaladeynayo qabsoomidda ciyaaraha, iyaadoo goobta qaraxu ka dhacay ay 70 KM u jirto magaalada ciyaarta lagu qabanayo ee lagu magacaabo Sochi.

Mareeg.com