18 caruur laga xaday Banaadir & Shabeellaha Hoose oo lagu qabtay degmada Cadaado * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

18 caruur laga xaday Banaadir & Shabeellaha Hoose oo lagu qabtay degmada Cadaado

Muqdisho – Mareeg.com: Ciidanka ammaanka maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa badbaadiyay 18 carruur ah, kuwaasoo la qafaashay.

Ciidamada maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sidoo kale xiray 4 qof oo loo maleynayo inay yihiin afduubeyaasha carruurta.

Wasiirka arrimaha bulshada ee maamulka Ximan iyo Xeeb, Cumar Maxamed Diiriye ayaa warbaahinta u sheegay inay ciidanka qabteen 4 qof oo 3 dumar yihiin, kuwaas oo la rumeysan yahay inay iibsan rabeen carruurta.

Ciidanka ayaa gaari ay saarnaayeen afduubeyaasha iyo carruurta ku qabtay degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, xarruna u ah maamulka Ximan & Xeeb.

Carruurta laga badbaadiey qafaalka ayaa isugu jira hal wiil iyo 17 gabdhood, waxayna da’dooda u dhaxeysaa 6-jir ilaa 11-jir.

Waxaa carruurta la geeyey xarrun lagu xanaaneeyo ilmaha, taasoo ay maamulaan Ururka Haweenka Ximan & Xeeb, halka dadka soo qafaashay ay ku jiraan gacanta ciidamada amaanka.

Carrurtan la xaday ayaa la sheegay in laga kala qaaday gobolka Shabeellaha Hoose iyo magaalada Mqudisho.

Afhayeenka maamulka Ximan & Xeeb, Careys Maxamed Xaaji, ayaa ugu baaqay dadkii dhalay carrurtaas ee ay ka maqanyihiin iney la xiriiraan maamulka.

Afhayeenka ayaa sheegay in caruurta markii ay wareystaan qaarkood ay u sheegeen in laga kaxeeyay degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha Hoose iyo degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Waa carruurtii ugu badneyd ee mar qura la xado dalka Soomaaliya, iyadoo bilihii lasoo dhaafay ay caasimadda kusoo badanayeen carrurta maqan, kuwaasoo laga baafiyo Idaacadaha ama cod-baahiyaal wadooyinka lala marayo.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!