Tehran: Sida ay sheegtay wakaalada wararka Iran, 17 ka mid ah ciidamada ilaadada xuduudaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee dalkaas ayaa shalay galab lagu dilay iska horimaad koox hubeysan ku dhexmaray xadka kala qeybiya Iran Iyo Pakistan.
Iska horimaadka ayaa ka dhacay dhul buuraley ah oo ka baxsan magaalada Sarfan ee xadka ku taalla, koonfurubari dalka Iran.
Wakaaladda wararka Iran ayaa sheegtay in weerarkaas lagu dhaawacay xubno kale oo ka mid ah ciidamada ilaada xuduudaha dalka Iran.
Sarkaal Irani oo aan magaciisa sheegin ayaa dilka askartaas ku eedeeyey kooxo falaago ah oo ka horjeeda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.
Gobolka dagaalkani ka dhacay ayaaa waxaa la sheegaa iney ku sugan yihiin falaago kasoo jeeda sunniyiinta gobolkaas aqlabiyadda ku ah, kuwaasoo maamulka Shiicada ah oo aqlabiyad ku ah dalka Iran ku eedeynaya inuu ku hayo midab kala-sooc.
Iran ayaaa marin u noqotay tahriibka daroogada laga keeno Afganistan ee loo gudbiyo dalalka Yurub, waxaana wakaaladda wararka Iran sheegtay in ilaa 4,000 boolis iyo ciidan ah halkaas sanadihii lasoo dhaafay lagu dilay, iyagoo la dagaallamay daroogo.
Mareeg.com