Shirkahada Isgaarsiinta Soomaaliya oo ku heshiiyey iney is wacaan

Mareeg.com: Shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliya ee kala ah: HORMUUD, NATIONLINK iyo SOMTEL ayaa ku heshiiyey iney is wici karaan oo ay isu furayaan taleefoonadooda.

War-saxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen 3-da shirkadood ayaa lagu sheegay iney go’aansadeen iney wada dhisaan Shirkad lagu magacaabo “Shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliyeed” (SHIS), taasoo ka shaqeyneysa sidii ay macaamiisha 3-da shirkadood isu wici lahaayeen.

Shirkadaha Isgaarsiinta ayaa khilaaf dhex maray horay u kala xirtay khadkii ay isku wici jireen. Warka kazoo baxay shirkadaha saddexda ah ka aqri sawirka kore.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245