Alshabaab oo labo nin ku toogtay Baraawe

Al-shabaab ayaa shalay 2  wiil oo ay ku eedeeysay inay ahaayeen jawaasiis u shaqeynayay dowladda Soomaaliya ku toogatay fagaare ku yaalla degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

Labada wiil ee la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray; Siciid Xuseen Cali oo 26-jir ahaa iyo Cabdi Xasan Xuseen oo 19-jir ahaa, waxaana goobta lagu dilay ku sugnaa boqolaal dad rayid ah.

Garsooraha Alshabaab ayaa sheegay in labadan wiil lagu helay iney  muddo la shaqeynayeen nabad-sugidda iyo booliiska dowladda Soomaaliya.

“Eedeysane, Cabdi Xasan Xuseen oo 19-jir waxaa lagu helay dambigii lagu soo eedeeyay, isagoo maxkamadda horteeda ka sheegay inuu muddo fog la shaqeynayay ciidamada sirdoonka iyo booliiska Soomaaliya, uuna ka qayb-qaybgalay fulinta lix howlgal,” ayuu yiri garsooraha Al-shbaab.

Garsooraha Alshabaab ayaa dadka goobjooga ka ahaa dilkaas u sheegay in labada nin qirteen iney u shaqeynayeen nabad sugidda Soomaaliya.

Ma aha markii ugu horreysay ee Alshabaab Baraawe ku toogtaan dad ay ku eedeeyaan iney yihiin sirdoon u shaqeeya dowladda Soomaaliya ama dhinacyo ajnabi ah.

Mareeg Media

 

 

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245