Volgograd, Mareeg.com: Qarax labaad ayaa saaka gilgilay magaalada Volgograd ee koonfurta dalka Ruushka, iyadoo qarax isla magaladaas shalay ka dhacay uu dilay ilaa 18 ruux.
Qaraxa saaka dhacay ayaa lala beegsaday bas dadweynaha qaada, waxana ku dhintay inta ilaa hadda la ogyahay ilaa 15 ruux, halka 30 kale dhaawacyo soo gaareen.
Qaraxa ayaa ka dhacay xaafadda Gerzhinska ee magaalada Volgograd, halkaasoo uu ku yaallo Suuq weyn oo aad looga dukaameysto, waxaana qaraxu dhacay xilli uu aad ciriiri u ahaa.
Gogoleva Irina oo ah haweeney u hadashay laanta magaalada Volgograd ee wasaaradda xaaladaha degdega ah ee Ruushka ayaa goor hore oo saaka ah sheegtay in qaraxa ay ku dhinteen 10 ayna ku dhaawacmeen 10 kale, hase ahaatee warar dambe oo soo baxay ayaa tirada intaas ka badiyey.
Qaraxyadaan ayaa kusoo beegmay xilli bisha soo socota ee Janaayo 2014 dalka Ruuskha lagu qabanyo ciyaaradah aduunka ee qaboobaha, waxaana magaalada qaraxyadu ka dhaceen 70 KM u jirtaa magaalada ciyaarta lagu qabanayo ee lagu magacaabo Sochi.
Mareeg.com