Wasiir labaad oo iska casilay Maamulka Koonfur Galbeed

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in goorhdow uu Wasiirkii labaad iska casilay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasiirka Deegaanka iyo duur-joogta Cali Aadan Macali oo ka mid ahaa wasiiradii uu Shalay magacaabay Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa ku dhawaaqay iscasilaadiisa.

Cali ayaa waxuu sheegay in aanu lagala tashan isala markaana aysan u qalmin beeshiisa xilka isaga loo magacaabay.

Shalay ayay aheyd markii uu is casilay wasiir ku xigeenkii wasaaradda Gaadiidka oo isaguna cadeeyay in aan lagala tashan xilkaasna uusan u qalmin deegaanka uu ka soo jeedo sida uu hadalka u dhigay.