14 Soomaali Ah Oo Ku Dhaawacmay Dab Ka Kacay Dhisme Ku Yaalla Minnesota * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

14 Soomaali Ah Oo Ku Dhaawacmay Dab Ka Kacay Dhisme Ku Yaalla Minnesota

Minneapolis, Mareeg.com: Ugu yaraan 14 qof oo Soomaali ayaa ku dhaawacmey dab xoog leh oo ka kacay dhisme isugu jiraa goob ganacsi, masjid iyo deegaan ay lahaayeen Soomaali, kaazoo ku yaallay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.

Gudoomiyaha xaafadda 6-aad ee magaalada Minneapolis oo lagu magacaabo Cabdi Warsame ayaa sheegay in dadka dabkaas ku waxyeeloobay ay dhamaantood yihiin SOomaali, lana geeyey Isbitaalka.

6 ka mid dakadka dhaawacmey ayaa u xaaladoodu khatar tahay sida uu sheegay Cabdi Warsame oo la hadlay VOA. Wuxuu sidoo kale sheegay in qeybta sare ee daarta ay deganaayeen dhallinyaro Soomaali ah oo iskaabulo u badan.

Cabdi Warsame ayaa sheegay inuu jiro baaritaan ku saabsan sababta dabka kixicay, isagoo tilmaamay iney heleen warar sheegay in dabku markii hore ka kacay qeybta sare ee daarta oo ka kooban 3 dabaq dabadeedna us gudaby xarrun ganacsi oo qeyb hoose ku taalla iyo Masjid ay Soomaalidu leeyihiin.

Wuxuu sheegay Cabdi in Soomaalida mashaqadu qabsatay ay usoo gurmadeen duqa xilka ka degaya iyo kan la wareegaya ee magaalada Minneapolis, wuxuuna xusay in laamaha dabdamisku ku guuleysteen iney babka baqtiyaan.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!