Galmudug oo lagu wareejiyey ajaanib burcad heysatay

Gaalkacyo – Mareeg.com: Maamulka Galmudug ayaa lagu wareejiyey ilaa 11 la heystayaal ka tirsanaan shaqaalaha Markab ay burcad badeedda Soomaalidu ku heysteen gobolka Mudug muddo dheer.

Ajaanibta lagu wareejiyey maamulka Galmudug ayaa la socday markab lagu magacaabo MJ Albeto oo horaantii bishii July ee sanadkii 2013-da ku caariyey xeebta degmada Xarar-dheere ee gobolka Mudug.

Wasiirka dekedaha iyo kalluumeysiga maamulka Galmudug Cabdiqaadir Cali Jaamac (Qalab Xoor) ayaa xaqiijiyay in ajaanibtaas iyo markabka ay gacantooda ku jiraan, wuxuuna sheegay in ajaaniibta oo isugu jiray Iiraaniyiin, Filibiinees iyo muduwaadiin wadamo kale u kala dhashay ay ku sugan yihiin magaalada Gaalkacyo ee xarunta maamulka Galmudug.

Markabkani ayaa ka hor inta uusan ku soo caarin xeebaha Xarardheere, waxa ay kooxo burcad badeeda Soomaali ah ku heysteen xeebaha Soomaaliya, waxaana ilo wareedyo sheegeen in ajaaniibtaan looga soo furdaamiyey kooxihii haystay lacago aan badneyn.

Arrinkani ayaa ku soo beegmaya xilli maalintii shalay 3 qof oo u dhashay Kenya oo ay heysteen Kooxo burcad badeed lagu soo wareejiyay maamulka Galmudug.

Madaxweynaha xilligaan ee Galmudug Col. Cabdi Qeybdiid ayaa horay u sheegay inuu ku dedaalayo sidii uu wax uga badeli lahaa amaanka gobolka Mudug, qeybta ay maamulaan.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245