13 ruux oo afar kamid ay ka soo jeedaan Hirshabelle oo Gaalkacyo lagu dilay

Read Time:49 Second

Tirada dadka lagu diley duleedka magaalada Gaalkacyo xalay ayaa gaartay 13 ruux iyadoo hore wararkii u soo baxayay ay sheegayeen in tirada dadka la diley ay ahaayeen sagaal ruux oo ka soo jeeda gobolada Koofurgalbeed.

Hase yeeshee wararka u dambeeyay ee ka imanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in dadka la diley ay gaarayaan 13 ruux halka midkalna uu dhaawac soo gaaray.

Mid ka mid ah ehelada dadka lagu diley magaalada Gaalkacyo ayaa u sheegay weriye ka tirsan jowhar.com in afar ruux oo ka mid ah dadka la diley ay yihiin dad ka soo jeeda magaalada Jowhar halka sagaalka kalana ay yihiin dad ka soo jeeda gobolada Koofurgalbeed.

Meydka dadka lagu diley xalay duleedka Gaalkacyo ayaa la sheegay in dabley hubeysan ay diideen in la duugo iyagoo dalbaday in ehelada dadka la diley ay keenaan dadkii diley askari ka mid ahaa ciidamada nabadsugida.

Hase yeeshee dadaalo ay sameeyeen qaar ka mid ah waxgaradka ku nool magaalada Gaalkacyo ayaa u suurtogashay inay fasaxaan duugsita meydka.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.