13 Musharrax Oo Ka Digay In Faroole Kaalmada Gurmadka Duufaanta Uga Faa’iideysto Ololaha Doorashada Puntland

Read Time:3 Minute, 52 Second

Gaalkacyo, Mareeg.com: Ilaa 13 ka mid ah musharrixiinta u tartamaya xilka madaxtiminada maamulka Puntland ayaa ka digay in madaxweynaha xilligaan C/raxmaan Faroole kaalmada gurmadka duufaanta ku dhufatay xeebaha deegaanadaas uu uga faa’iideysto oloaha doorashada.

Baaqa digniinta ah ee kazoo baxay 13 mushararx ayaa u dhignaa, sidan, iyadoo qeybta hoosana ay ku qoran tahay magacyada 130ka musharrax ee baaqan soo saaray.

BAAQ III-aad

MURASHAXIINTA PUNTLAND

Musharaxiinta u tartamaya mansabka madax-weynaha dowladda Puntland ee Soomaaliya, iyaga oo soo xiganaya:

– Baaqii Gaalkacayo ay isla-qaateen murashaxiin siddeed ah (28-11-2013)
– Baaqii Nairobi oo ay isla-qaateen murashaxiin shan ah (6-11-2013)
– Hadallada murashaxiintu, mid-waliba keli-ahaantiisa uu ka jeediyo fagaarayaasha ololaha doorashada, oo ay warbaahinta mariyaan

Waxay soo saareen baaqan oo ah midkii saddexaad:

GURMAD AAN LOO KALA HARIN

1. Waxaan si murugo leh ula-wadaagayaan dad-weynaha reer Puntland, dhibaatada naf iyo maal gaadhey oo ay sababtey duufaanta.

2. Waxaan dad-weynahayaga ku samirsiineynaa fufka ka danbeyn-doona dhibaatada ee leh baad, duunyo iyo dad, Eebena aanu uga mahadineynaa

3. Waxaan dhiiri-gelineynaa gurmadka aan kala-harka lahayn ee shacabka Puntland la garab taagan yahay walaalahooda ay sida tooska ah u saameysey duufaantu

4. Waxaan bogaadineynaa gurmadka dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku baaqdey in ay u fidiso shacabka duufaantu saameysey. Isla-markaas waxaanu dalbeynaa in gurmadkaas lagu hubsado gacmo la hubo in ay gaarsiinayaan dadka tabaaleysan

5. Waxaa kaloo aanu mahad-celin u direynaa dhamaan hey´adaha madaxa-bannaan iyo kuwa dowliga ah ee dowladaha deriska ah iyo beesha caalamka ee gacanta ka geystey masiibada

TALO KU AADDAN MAAMULKA GURMADKA

Murashaxiintu waxay ka digayaan, howlaha gurmadka eek u-soo beegmey xilligan xasaasiga ah, in looga faa´iideysto ololaha doorashada.

Sidaa darteed waxay ku talinayaan:

1 .Xubno ku jira doorasho-siyaasadeed in aanan gacanta loo gelin howlaha gurmadka iyo abaabulkooda.

2. Gurmadiyada kala duwan ee ka imanaya dowladda federaalka ah, hey´adaha dowliga ah, hey´adaha madaxa-bannaan iyo dhamaan deeqaha loo yaboohey dadka tabaaloobey, in lagu xoomiyo hey´adda HADMA.

3. Waxaan adkeeneynaa in hey´adda HADMA ay tahay midda dastuur ahaan u xil-saaran gurmadka musiibooyinka dabiiciga ah eek a dhaca Puntland

4. Xilka Hey´adda HADMA Waxaanu raacineynaa, in iyagana fursad la siiyo hey´adaha kale ee waddaniga ah iyo kuwa caalamiga ah ee ka qeyb-qaatey gurmadkii TSUNAMI, si ay ugu faa´iideeyaan khibradda iyo waaya-aragnimada ay ka dhaxleen gurmadkaas

5. Waxaanu ku baaqeynaa in gurmadkan laga takooro dhinac kasta oo uu damac ka haayo ka hodmidda musiibada aadanaha

CAMBAAREYN

Waxaanu si wada-jir ah u cambaareeneynaa wareegtada taariikhdeedu tahay 14/ 11/ 2013, taas oo uu soo saarey sii-hayaha xilka madax-weynaha Puntland Cabdiraxmaan Sh. Maxamad. Waxaanu muujineynaa, wareegtadaas in ayan ahayn mid xilligan ka shaqeeneysa Puntland, sababtuna waxay tahay:

1. Maalmahan, dalka iyo dadku waxay ku jiraan xilli loo gurmanayo sidii gar-gaar loo gaarsiin lahaa dadkii ay ku habsatey musiibada

2. Awoodda Cabdiraxmaan Sh. Maxamad ma gaarsiisna in uu soo saaro wareegto uu ku hagayo qaab-socodka ay doorashadu u dheceyso, sababtuna isaga ayaa murashax ah

3. Golihii sharci-dejinta ee ansixin-lahaa wareegtada uu madax-weynaha soo saaro, waa la-kala direy oo wakhtigoodii waa dhamaadey. Gole kalena weli lama magacaabin

4- Xilka Cabdiraxmaan Sh. Maxamad uu hayo waa gaarsiin dowladda la dhisi-doono laba bilood dabadeed

Haddaanu nahay murashaxiinta isu-taagey doorashada, waxaanu ka digeynaa wareegtada ceynkan oo kale ah. Waxay inoola muuqataa daan-daansi iyo sii kordhin khilaafka taagan.

Sidaa awgeed, wareegtadaas iyo guddigii lagu magacaabey, murashaxiintu waxay caddeynayaan in ag-tooda ay ka tahay arin aanan aqbal ahayn.

BOGAADIN

Murashaxiinta mansabka madax-weynaha Puntland waxay bogaadinayaan shirkii wada-tashaiga ee dad-weynaha gobollada Bari iyo Sanaag ee ka dhacay magaalada Boosaaso 11-12/ 11/ 2013.

Murashaxiintu waxay taageerayaan war-murtiyeedkii ka-soo baxay madashaas.

Waxayna u arkaan shirkii ay qabteen ergooyinka labadaas gobol in uu yahay yididiilo cusub ee horseedaya dib u-hanashada dhaqankii wada-tashiga ee shacabka Puntland uu hiddaha u lahaa.

DALLADDA MURASHAXIINTA

Murashaxiinta baaqan soo saarey waxay bishan gudaheeda ka unki doonaan magaalada Garoowe dallad ay ku mideysan yihiin. Ujeeddada dalladdu waxay ka bilaabataa kuna dhamaataa in Puntland ay ka dhacdo doorasho:

1. Xor ah
2. Xalaal ah
3. Mid loo dhanyahay ah

Murashaxiinta isku raacay Baaqan waxay yihiin:

1. Maxamad Yaasiin Ismaaciil
2. Gen. Cabdullaahi Siciid Samantar
3. Cali Xaaji cabdulle Dhegoole
4. Maxamad Cali Yuusuf (Gaa-gaab)
5. Dr. Yaasiin Faarax Cartan
6. Cali Xaaji Warsame
7. Cabdi-weli Maxamad Cali-Gaas
8. Axmad Cabaas Axmad (Gacma-gaab)
9. Cabdiraxmaan Shiikh Maxamad (Gablax)
10. Dr. Saadiq Maxamad (Enow)
11. Cali Cabdi Awaare
12. Shire Xaaji Ciise
13. Cabdi-Daahir Guuleed Yuusuf

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %