13 ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii Hote Central oo loo qaaday UAE * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

13 ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii Hote Central oo loo qaaday UAE

Mareeg.com: Waxaa saaka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho laga qaaday qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadii Hotelka Central ee dhacay 20-kii February ee aynu kasoo gudubnay.

Dadkan dhaawaca ah ayaa loo qaaday Isbitaallo ku yaalla dalka Imaaradka Carabat si xaaladooda halkaasi loogu soo daweeyo.

Wasiirka caafimaadka xukuumadda Soomaaliya, Xaawo Xasan Maxamed ayaa sheegtay in dadka dhaawaca ah ee la qaaday tiradooda ay gaarayso 13, ayna jiraan dad kale oo dhaawac ah misane Muqdisho ku sugan.

Dadka saaka la qaaday ayaa la sheegay iney qabeen dhaawacyo halis ah, waxaana qaarkood ka mid ahaayeen shaqaalaha dowladda Soomaaliya.

Horay waxaa dalka Turkiga loogu qaaday R/wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cumar Carte oo ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay qaraxaas,.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!