15 dhimasho ah iyo 35 dhaawac ah oo ka dhashay qaraxyada Brussels * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

15 dhimasho ah iyo 35 dhaawac ah oo ka dhashay qaraxyada Brussels

Mareeg.com: Laba qarax ayaa ka dhacay gagida diyaaradaha Brussels ee dalka Belgeium-ka.  Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhimatay, 35 ayaa ku dhaawacantay.

Sawirrada ayaa muujinaya qasaaro badan oo gaaray dhismaha tarminaalka gagida diyaaradaha.

Mid ka mid ah qaraxyada ka dhacay garoonka ayaa la sheegay inuu fuliyey qof isi soo miidaamiyey.

Qarax ayaa sidoo kale ka dhacay saldhiga tareenka ee Maalbeek oo u dhow dhismayaasha Midowga Yurub.

R/wasaaraha dalka Belgium, Charles Michel ayaa ku tilmaamay qaraxyada ka dhacay dalkiisa kuwa xun, wuxuuna dadka ugu baaqay iney is dejiyaan.

Qaraxa ayaa yimid maalmo kadib markii la qabtay Salax Abdeslam, oo ahaa qofka ugu muhiimsan ee looga shakisan yahay weerarka Paris ee dhacay November 2015.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!