12 Ruux oo Dhul-boob ka waday Kaaraan oo Xabsiga Dhexe loo gudbiyay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

12 Ruux oo Dhul-boob ka waday Kaaraan oo Xabsiga Dhexe loo gudbiyay

Muqdisho (Mareeg.com)—Wararka ka imanaaya Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Caawa Dad ka badan 12 Ruux loo taxaabay Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho kadib markii Dadkaasi ay dhibaatooyin ka abuureen Degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho.Gudoomiyaha Degmada Kaaraan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cali Calasow Xasan oo loo yaqaano Goobjoog ayaa sheegay in Ciidamada amaanka ee Degmada Kaaraan ay soo qab qabteen inka badan 12 Ruux kuwaasi uu ku sheegay in Degmada ay ka wadeen Dhul Boob.“Waxaa maalmihii u dambeeyay nasoo gaaray Cabasho xoogan oo ku aadan Dhul Boob, hase ahaatee waxaan soo qabanay inkabadan 12 Ruux kuwaasi oo isku dayay in Dhul Dodoow ay xoog ku qabsadaan, waxaa sidoo kale Dadkaasi aan u gudbinay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho”sidaasi waxaa yiri Gudoomiyaha Degmada Kaaraan.Ugu dambeyn, Cali Calsow Xasan oo loo yaqaano “Goobjoog” Gudoomiyaha Degmada Kaaraan, ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in ay maqan yihiin kuwa kale oo iyaguna qeyb ka ah Dhul Boobka ka taagan Degmada isagoona tilmaamay in ay soo qaban doonaan islamarkaana ay u gudbin doonaan Xabsiga Dhexe ee Muqdisho.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!