New York, Mareeg.com: Qaramada Midoobay ayaa rabta in 18 ilaa 24 bilood kadib ciidamada Soomaaliya la wareegaan howlaha dagaalka ee dalka Soomaaliya, islamarkaana ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM lagu badelo ciidamo nabad ilaalineed oo ka socda Qaramada Mdioobay (UN).
Qaraar Talaadadii shalay kazoo baxay Golaha Amanaaka ee qaramada Midoobaya ayaa lagu sheegay arrintaas, waxaana qaraarka lagu sheegay in arrintaas qeyb ka tahay ka bixitaan dhameystiran oo AMISOM uga guureyso Soomaaliya.
Sidoo kale, Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa go’aamiyey in ciidamada AMISOM la siiyo ilaa 12 diyaarado dagaal oo ah nuuca helicopters-ka ah, kuwaasoo ay keenayaan dalalka ciidamada ku deeqay AMISOM.
UN-ka ayaa dhanka kale, ciidamada Soomaaliya u raadinaya gawaarida gaashaaman ee hubka waaweyn ku xirneyn, gaadiidka ciidamada qaada, rasaas, shidaal, raashin, qalab caafimaad iyo agabyo kale.
Mareeg.com