Qaramada Midoobay Iyo Baanka Aduunka: $400 Milyan Dollay Ayay Burcad Badeeddu Heshay Muddo 7 Sano Ah

Read Time:1 Minute, 9 Second

Nairobi – (Mareeg.com): Warbixin dhawaan lasoo saaray ayaa ayaa lagu sheegay in burcad badeedda Soomaalida ah ee ka howgala Geeska Afrika ayaa madax-furasho ahaan u heleen lacag gaaraysa $400 Milyan dollar, intii u dhaxeysay sanadihii 2005 ilaa 2012.

Warbixin ay soo wada saareen Qaramada Midoobay iyo Bankiga Adduunka ayaa lagu sheegay in lacagtaas xooggeeda aanay dhamaanteed qaadan burcad badeedda Soomaalida, balse ay badankeed gacanta u gashay dad maalgashi ku sameystay kooxahaas.

Warbixinta UN-ka iyo Baanka Aduunka ayaa lagu sheegay in lacagtaas loo isticmaalay fal-dambiyeedyo ay ku jiraan ka ganacsi hub iyo tahriibinta dadka.

Shakhsiyaadka laf-dhabarka u ah maalgashiga burcad badeedda waxay qaateen 30 ilaa 50 boqolkii lacagtii madax-furashada ahayd ee la qaatay 7-daas sano ee warbixintu xustay.

Warbixinta ayaa ku talisay in la dabagalo dhabbayaashii la isugu kala gudbiyay lacagtaas, iyadoo lacagtaas qeyb weyn ka qaadatay sare ukaca sanadihii dam,be ku yimid burcad badeedda, inakastoo hadda hoos loo dhigay.

Stuart Yikona oo wax ka qoray warbixinta ayaa sheegay in aanay burcad badeeddu caqabad ku ahayn oo keliya xasilloonida iyo amniga, balse ay awood u leedahay qalqal-gelinta dhaqaalaha gobolka iyo kan caalamka.

Xeebaha Soomaaliya waxaa 8-dii sano ee lasoo dhaafay waxaa ka jiray burcad badeed ka qoleysaneysay xeebaha dalka, iyadoo markaas kadib maraakiib dagaal oo shisheeye oo ka hor tagaya falalkaas ay soo buux dhaafiyeen biyaha Soomaaliya iyo kuwa ku dhow.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %