114 Maxaabiis Soomaaliyeed Oo Caawa Laga Soo Dejiyay Garoonka Aadan Cadde + Sawirro
Waxaa Caawa Garoonka Diyaarahada Magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde laga soo dajiyay Maxaabiis Soomaaliyeed oo dhawaan dowlada Itoobiya ay ku wareejisay dowlada Soomaaliya.
Maxaabiistan Caawa laga soo dajiyay Garoonka Aadan Cadde ayaa waxa ay gaarayaan ku dhawaad 114 Maxbuus waxaana Garoonka ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya iyo eheladooda.
Maxaabiistan ayaa waxa ay u bahan yihiin dhalinyaro in muddo ah ku xirnaa Xabsiyada ku yaalla gudaha Dalka Itoobiya.
Sii deyntooda ayaa ka dambeysay ka dib heshiis ay wada gaareen dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya markii dhawaan uu dalkaasi booqday Ra’sul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka qeyb galayey shir Madaxeedkii Midowga Afrika.
Comments are closed.