11 Kun Caruur Ah Oo Muddo Sadex Sano Ah Lagu Dilay Dalka Suuriya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

11 Kun Caruur Ah Oo Muddo Sadex Sano Ah Lagu Dilay Dalka Suuriya

London, Mareeg.com: Warbixin dhawaan lasoo saaray ayaa lagu sheegay in muddo 3 sano ah dalka Suuriya lagu dilay ilaa 11 kun caruur ah.

Xarrunta cilmi barista OXFORD oo warbixintaan soo saartay ayaa sheegtay in carruta dalkaas ay la kulmaan dil iyo jirdil, iyadoo dhimashada ugu badan ee haleeshay carrurta Suuriya ay ku timid hoobiyaal xaafadahooda lagu garaacay ama qaraxyo dhacay.

Warbixinta OXFORD soo saartay oo cinwaan looga dhigay “Mustaqbalkii La Xaday” ayaa diiradda saartay xaaladihii soo maray carrurta Suuriya intii u dhaxeysay bishii Maasro ee sanadkii 2011 ilaa bishii August ee sanadkaan 2013.

Waxey sheegtay warbixintu in sadexdaas sano dalka Suuriya lagu dilay 11420 carruur oo da’doodu ka hoosyso 17 jir, iyadoo 389 ka mid ah ay dileen raga meelaha fog wax ka shiisha.

Carruurta la laayey ee labka ayaa ku laba jibaarma kuwa dhidiga ah sida warbixintu sheegtay, waxaana la sheegay in carruta ugu badan ee la beegsaday ay ahaayeen kuwa da’doodu u dhaxeyso 13 ilaa 17 jir.

OXFORD ayaa sheegtay in carrurta ugu badan lagu dilay magaalada Xalab, iyadoo halkaas oo kali ah lagu laayey 2223 caruur ah.

Hana Salama oo ka mid ah kooxda warbixintaan diyaarisay ayaa sheegtay in carrurta lagu dilay rasaas, ayna beegsadeen kuwa meelaha fog wax ka shiisha, sidoo kalana toos loo toogtay, lana jirdilay.

Warbixintaan ayaa xustay kaliya carrurta magacyadooda la gartay, iyadoo aan ahyen mid kama dambeys ah, maadaama deegaanada qaar aan la tegi Karin si warbixin looga diyaariyo.

Warbixinta ayaa codsatay in weriyaasha loo ogolaado iney gaaraan goobaha dhibaatadu ka jirto si war uga keenaan xaaladaha dhibanayaasha, iyadoo la leeyahaya ilaa 100 Kun oo ruux ayaa ku dhintay dagaalka Suuriya 3-da sano ee uu socdo.

Dalka Suuriya ayaa waxaa sanadkii 2011 ka bilowday kacdoon dagaal isu badelay, iyadoo shacabka dalku doonayaan iney ridaan hogaamiyaha Shiicdaha ee dalkaas Bashaar Al-asad, balse la dhaqaaji la’yahay.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More