Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta isugu yimid kulan-koodii caadiga ahaa oo uu shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa diiradda lagu saaray Amniga guud ee dalka, xaaladaha dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Yaman iyo Kenya,waxana ay Xukuumaddu madaxooda dul-dhigtay lacago hoggaanka ugu sareeyo Al-Shabaab.
Ugu horeyn Golaha Wasiirada ayaa ka dooday liis ay ku qoran yihiin 11 Sarkaal oo ka tirsan Al-Shabaab, waxaana golaha wasiiradu ansixiyeen lacago lagu abaal marinayo cidii keenta macluumaad ku aadan halka ay ku sugan yihiin hogaamiyeyaasha sar sare ee ururka Al-shabaab.
Ragga ay dowladda Soomaaliya lacagta ku raadinayso waxaa ku jira hogaamiyaha guud ee Al-shabaab Axmed Diiriye oo Shabaab dhexdooda looga yaqaan Abu Cubayda, kaas oo madaxiisa la dul dhigay $250,000.
Sidoo kale waxaa abaalmarin lacageed oo gaaraysa $150,000 ilaa $100,000 qofkiiba la dul saaray madaxda kale ee Al-shabaab sida; Mahad Warsame Qalay (Mahad karate), Cali Maxamed Raage (Sh. Cali dheere), C/laahi Cabdi (Da’ud Suheyb), Maxamed Maxamuud Nuur (Suldan), Cali Maxamed Xuseen (Cali Jeesto), Xasan Maxamed Cali (Afgooye), C/laahi Cismaan (Ismaaciil), Maxamed Cabdi Muuse (Haabiil), Maxamed Maxamuud (Dul-yadeyn Kunno), Yaasiin Cismaan (Kilwa) waxaa abaalmarintan qaadan doona cid walba oo sheegta meesha ay joogaan raggan ama suuragalisa in gacanta lagu dhigo.
Dhanka kale, Golaha Wasiirada ayaa ka dooday xayiraada ay dowladda Kenya kusoo soo rogtay Xisaabaadka Shaqsiyaad ay ku jiraan dad Soomaaliyeed iyo Xawaaladaha qaar ee ay adeegsadaan Soomaalidu, waxana Golaha Wasiiradu ay sheegeen in dalka Kenya uu joogo Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya C/salam Cumar Hadliye, kaas oo Kenya kala xaajoonaya arrimaha taagan.
Ugu danbeyn, Golaha Wasiirada ayaa sheegay in guddi loo xil-saaray samatabixinta dadka Soomaaliyeed ee ku dhiban dalka Yaman, iyadoo Dowladda Soomaaliya ay u dirtay dalka Yaman Markab ka qeyb qaata daad gureynta dadka Soomaaliyeed ee doonaya in ay dalkooda dib ugu soo laabtaan si ay uga bad-baadaan dagaallada ka soconaya dalkaas.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.