
Read Time:1 Minute, 3 Second
Hay’adda PSF ayaa shaacisay in aysan awaamiirta dhanka Amniga ka qaadan doonin ciddii shalay la shaqaynaysay Cadowga inkastoo aysan sheegin magaca ciddaas.
War qoraal ah oo ka soo baxay PSF ayaa sidoo kale lagu sheegay in Ciidamada iyo Saraakiisha PSF yihiin kuwa tababar fiican leh oo ku filan Amniga Shacabka.
Warka kasoo baxay ayaa sidoo kale waxey ku sheegeen in ciidanka PSF aysan ku milmin siyaasadda iyo ururada islamarkaana ujeedada hadda laga leeyahay ay tahay in arrimo siyaasadeed loo adeegsado.

Gallan ayaa ciidamada uga digay in ay colaad & Xiisad laga abuuro Magaalada Boosaaso xarunta Gobolka Bari, waxa uu Taliyaha xil ka qaadista lagu sameeyay usoo jeediyay in uu wareejiyo maadaama go’aanka Madaxweynaha Puntland uu yahay mid waafaqsan Dastuurka Dowlad-Goboleedkaas kaa oo u muuqda mid aan socon doonin.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya xili ay xiisada ka dhalatay xilka ka qaadista lagu sameeyay agaasimihii PSF oo ciidamada dhan ay raacsan yihiin.