RW Rooble oo kulan xasaasi ah la qaatay Wakiilada beesha caalamka

Read Time:30 Second

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay wakiillada Beesha Caalamka ee jooga Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay horumarrada laga sameeyay arrimaha doorashooyinka dalka iyo dar dar gelinta howlaha socda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa wakiillada Beesha Caalamka la wadaagay horumarka laga gaaray dadaallada uu hormuudka ka yahay ee arrimaha doorashooyinka, amniga doorashooyinka iyo go’aannadii Golaha Wadatashiga Qaranka ee la xiriiray jadwaleynta doorashooyinka.

Kulanka Ra’iisul Wasaare Rooble la yeeshay Wakiillada Beesha Caalamka, ayaa sidoo kale lagu lafa guray kaalinta Beesha Caalamka ee  taageerida farsamo iyo dhaqaale ee hirgelinta doorashooyinka dalka.

 

Muqdisho-Somalia    

 

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %