Dagaal ka dhacay magaalada Baladweyne iyo General Xuud oo hanjabad u diray Hirshabelle * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dagaal ka dhacay magaalada Baladweyne iyo General Xuud oo hanjabad u diray Hirshabelle

Dagaal ka dhacay magaalada Baladweyne iyo General Xuud oo hanjabad u diray Hirshabelle

Wararka ka imanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in uu dagaal u dhexeeya ciidamada dowlada iyo maleeshiyo taabacsan General Xuud uu ka bilowday xaafado ka mid ah magaalada Beledweyne.

Dagaalkan ayaa ka dhacay xaafadaha Nuur Xawaad iyo Dhagax Jebis kadib markii ay gudaha u soo galeen maleeshiyaadka taabacsan General Abuukar Xuud oo ka soo horjeeda maamulka Hirshabelle.

Lama oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay iska horimaadka balse xaalada ayaa degen haatan.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan inuu salka u hayo diidmo ay diidan yihiin kooxda uu hoggaamiyo General Abuukar Xuud kulan maanta la qorsheeyay inay golaha wasiirada Hirshabelle ku yeesheen magaalada Beledweyne.

General Xuud ayaa sheegay in xal aan xabad aheyn uusan u heynin maamulka Hirshabelle islamarkaana uu xiri doono garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne.

Shalay ayaa waxaa gaaray magaalada Beledweyne qaar kamid ah golaha wasiirada Hirshabelle oo ka tegey magaalada Muqdisho,iyadoo halkaa uu hore ugu sugnaa Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Hagar Dabageed.

Muqdisho-Somalia

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.