Siciid Cabdullahi Deni oo Puntland ka Dhigay Shirkad Qoys

Read Time:2 Minute, 44 Second

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa muddo lagu eedaynayey inuu ku tagrifalayey awoodaha madaxtinimo ee ay u doorteen ama ku aammineen dadka reer Puntland, waxana waqti dheer isa soo tarayey dhaleecaynta bulshadu u jeedinayso hoggaankiisa ee ku aaddan arrimaha musuqmaasuqa, ku-tagrifalka awoodda, eexda, qabyaaladda iyo awoodsiinta qoyskii iyo beeshiisa hoose.  Marka la eego intii uu xilka hayey, waxa uu magcaabayey xilal kala duwan oo rayid iyo ciidan ah, waxana inta badan xilalkaasi loo magcaabay dad ay isku hayb hoose yihiin ama ay qaraabo yihiin. Intaas waxaa dheer, waxaa si xoog weyn usoo shaac-baxday saamaynta qoyska reer Deni ku leeyihiin arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, mashaariicda iyo shaqaalaysiinta. Waxaa sidoo kale jira inay lacago baad ah ka qaadaan shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo hay’adaha aan dawliga ahayn (NGO-yada iyo weliba kuwo caalami ah.

Awoodda qoyska reer Deni ee Puntland waa mid sii baahaysa loona baahan yahay in dadka reer Puntland ay si weyn uga hor yimaadaan, gaar ahaan hay’adaha loo igmaday ee sharci dejinta iyo garsoorka inkastoo aysan Puntland ka jirin hay’ado dawladeed oo xooggan oo la xisaabtami kara laanta fulinta ama xadidi kara awoodeeda.

Warka saacadihii ugu danbeeyey sida weyn loogu hadal hayey warbaahinta baraha bulshada waa mid ku saabsan qaabilaadda wiilka Siciid Cabdillahi Deni ee safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Cabdifataax Cabdullaahi Xasan. Safiirka oo safar ku joogay Garoowe waxaa jadwalkiisa shaqo gacanta ku hayeyqoyska reer Deni. Dad badan oo reer Puntland ah waxay is weydiinayaan waa maxay kaalinta ama xilka uu wiilka Siciid Cabdullahi Deni ku qaabili karo safiir dal shisheeyei. Waxa keliya ee laga fahmi karo arrintan waa saamaynta qoyska Siciid Cabdullahi Deni ee arrimaha siyaasadda, iyadoo dadkii mudnaa shaqooyinkan ay u daba fadhiyaan wiilka madaxweynaha.

Markii uu safiirka Itoobiya soo gabagabeeyey safarkiisii Garoowe waxa uu u duulay Gaalkacyo, waxana wafdiga hoggaaminayey wiilka madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni iyadoo uu wafdiga ka mid ahaa guddoomiyaha gobolka Mudug Cabdiladiif Sanyare. Sanyare wuxuu awoodihiisa gobolka inta badan uga tanaasulay wiilka madaxweynaha iyo qoyska reer Deni si uu iyaga u qanciyo ama xilka loogu sii hayo. Wiilka madaxweyne Deni  iyo ninka kale ee awoodda badan eela dhashay madaxweynaha ee lagu magcaabo Xasan Cabdullahi Deni waxay dadaal ugu jiraan sidii ay saami ugu yeelan lahaayeen mashaariicda ka socota gobolka Mudug iyo kuwa mustaqbalka iman doona. Waxaa dhowaan fashilmay qorshe qoyska reer Deni ku doonayeen inay dekedda Garacad ugu wareejiyaan Imaaraadka si ay saami ugu yeeshaan dekedda isla markaana lacago dulaal ah uga qaataan hawlaha wareejinta. Sidoo kale, waxay doonayaan inay gacan ku yeeshaan mashruuca garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo iyo mashaariic kale oo soo socota. Dhowaan waxaa magaalada Gaalkacyo ka socotay qorshe  ay ku lug lahaayeen qoyska reer Deni oo lagu xaraashayey dhul hanti guud ah, inkastoo ay si weyn arrintaa u diideen waxgaradka gobolka Mudug.

Dhammaan dhacdooyinkan waxay banaanka keenayaan hab-dhaqanka maamulka Siciid Cabdillaahi Deni ee uu qoys ugu xirayo dhammaan hawlaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee ka socda Puntland, waxana dad badan ay ku tilmaameen dhaqan keli-talisnimo iyo mid uu uga dayanayo dalalka Khaliihka gaar ahaan Imaaraadka Carabta oo uu Siciid Cabdullahi Deni saaxiib la yahay. Sidoo kale, arrimahan waxay muujinayaa caqliyadda ganacsi ee Siciid Cabdillahi Deni ee uu ku soo biiriyey siyaasadda Puntland. Siciid horay wuxuu ahaa ganacsade, waxana uu doonayaa in uu Puntland ka dhigo shirkad ganacsi oo ay qoyskiisu leeyihiin.

By: Gurxan Saciid

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %