10 qof oo Soomaali u badan oo maxkamad lagu soo taagay Uganda

Mareeg.com: Ilaa 10 ruux oo 9 ka mid ah Soomaali yihiin, lalana xiriirnayo Al-Shabaab ayaa mar kale la horkeenay maxkamad ku taalla Magaalada Kambala ee xarunta dalka Uganda.

Dadkaan ayaa booliiska dalka Uganda xireen bishii September ee sannadkii hore ee 2014.

Isniintii, ayay dadkaan ka soo hormuuqdaan Maxkamadda, waxaana 9-ka qof ee Soomaalida ay laba ka mid ah yihiin hablo.

Xeer-ilalaiyaha guud ee Uganda, Edward Muhumuza ayaa maxkamadda ka hor sheegay in baarayaasha la siiyo waqti dheeraad ah si ay caddeyno intan ka badan oo buuxa ula yimaa-daan, isgaoo codsaday in maxkamadeyntan 10-ka qof dib loo dhigo.

Eedeysanayaasha, ayaa waxaa dib loogu celiyay xabsiga Luzira, waxaana lagu wadaa in lagu sii haayo ilaa 19-ka January.

Dalka Uganda ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan kumannaan ciidammo ah oo ka mid ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, iyadoo hay’adaha ammaanka ee dalkaas ay adkeeyeen ammaanka tan iyo dhammaadkii sannadkii hore ee 2014-ka, markaasoo ay Al-shabaab ku goodisay inay weerarayso dalalka ay ciidamadu kaga sugan yihiiin Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda laba weerar oo lagu dilay 76-qof oo magaalada Kampala ka dhacay sannadkii 2010-kii, dadkaasoo intooda badan ahaa kuwo daawanayay ciyaartii kama dambeysta ahayd ee Koobkii adduunka ee sannadkaas lagu qabtay dalka Koonfur Afrika.

 

 

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245