10 Musharrax Oo Ku Shiray Garowe Soona Saaray Afar Qodob Iyo Baaq Ku Socda Faroole * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

10 Musharrax Oo Ku Shiray Garowe Soona Saaray Afar Qodob Iyo Baaq Ku Socda Faroole

Garowe, Mareeg.com: 10 Musharax oo ka mid ah musharixiinta u taagan tartanka madaxweynaha Puntland iyo xigeenadiisa sanakda 2014 ayaa maanta shir isugu yimid xarunta PDRC ee magaalada Garowe.

Shirka waxaa kazoo baxay ilaa 4 qodob oo u qornaa sidan:

1- Haddaan nahay musharraxiinta, waxaan soo dhaweyneynaa aqbalaadda madaxweynuhu aqbalay codsigii aan usoo jeedinay ee ahaa wadahadalka.

2- Waxaan u aragnaa iney muhiim tahay in madaxweynuhu joojiyo shaqada guddiga xallinta khilaafaadka uu isagu maagacaabay.

3- In la sameeyo guddi issimo oo kormeera shaqada guddiga xallinta khilaafaadka sidii horay u dhici jirtay.

4- Annagoo eegeyna danta guud iyo maslaxadda Puntland waxaan isla araggnay in lagu dhameeyo arrinta wadahadalka muddo labo maalmood ah oo ku eg maalinta Isniinta ah 16/12/2013, madaxweynuhuna uu qaado tilaabooyinka kor ku xusan si loo abuuro jawi ku haboon wadahadal, iyadoo aysan xujo aheyn madasha wada-hadalka.

Qoraalka kazoo baxay 10-ka musharrax ee manta ku shiray Garowe ayaa sheegay in iyagoo ka wakiil ah musharraxiinta kale ee maqan ay soo saareen 4-taas qodob.

Musharraxiinta saxiixay qodobadan afarta ah ayaa kala ah:
1- Musharrax Cabdiweli Maxamed Cali Gaas
2- Musharrax Maxamed Cabdinuur Xirsi
3- Musharrax cali Xaaji Warsame
4- Musharrax Cali Xaaji Cabdille Dhigoole
5- Musharrax Cabdi-dahir Maxamed Yuusuf
6- Musharrax Cabduullaahi Aw Muuse
7- Musharrax Cali Cabdi Awaare
8- Musharrax Cabdirisaaq Nuur Caluula
9- Musharrax Cabdullahi Cali Mire
10- Musharrax Cabdilxakiim Cabdillaahi Xaaji Cumar

Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faarole ayaa dhawaan aqblay codsi uga yimid musharraxiinta wuxuuna sheegay in kulanku ka dhacay madaxtooyada maamulka oo ku taalla magaalada Garowe, hase ahaate ma jirin waqti cayiman oo uu qabtay.
Musharraxiin Punt
Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!