Al-cariish, Mareeg.com: 10 ka mid ah milateriga dalka Masar ayaa la dilay 35 kalana waa la dhaawacay kadib markii nin weday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa uu isku miidaamiyey kolonyo ay la socdeen askar, kuwaasoo marayey meel u dhow magaalada Al-cariish ee Jazeeradda Siinaa.
Afhayeenka rasmiga ah ee miltaeriga Masar Col. Axmed Cali ayaa barta uu ku leeyahay Facebook ku qoray iney dhinteen 10 askari, 35 dhaawacmeen kadib markii gaari uu wadey naftii hure uu beegsaday bas ay la socdeen askar fasax gelayey, kuna sii jeeday magaalada caasimadda ah ee Qaahira.
Afhayeenka ayaa sheegay in weerarku ka dhacay tuulada Al-shallaaq, isagoo xusay in gaariga is-qarxiyey ay la socdeen ilaa 4 naftoof hure oo uu ku tilmaamay argagixiso.
R/wasaaraha dalka Masar Xaazim Al-bablawi ayaa weerarkan ku tilmaamay dambi argagixiso ah, wuxuuna xusay inuu raadinayo dhamaan tilaabo kasta ee kooxahaas looga horjoogsan karo falalka ay ku jiraan.
Sida laga soo xigtay warar warbaahineed oo Masaari ah, isgaarsiinta ayaa laga jaray gobolka woqooyiga Siinaa, gaar ahaan magaalooyinka Al-cariish iyo Alsheykh Zubeyd, iyadoo ciidamada booliska ah ee sida milateriga u tababaran ku jiraan roondooyin amaanka lagu sugayo kadib markii qaraxani dhacay.
Gobolka Siinaa ayaa waxaa ku jira kooxo Islaamiyiin hubeysan, kuwwasoo uu dagaal kula milateriga Masar, iyadoo ciidamada Masar ee goblkaas jooga ku lug leeyihiin burburinta waddooyinka dhulka hoostiisa mara oo kooxaha Falastiiniyiintu si qarsoodi ah hubka iyo waxyaabaha ay u baahiyiin ku gaarsiistaan Marinka Qaza oo deris la ah dalka Masar.
Mareeg.com