10-ka Jaamacadood ee ugu tayada badan dunida Carabta * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

10-ka Jaamacadood ee ugu tayada badan dunida Carabta

Mareeg.com: Mu’sasada Web Metrics ee dalka Spain oo 6 bilood oo kasta warbixin ka sameeya Jaamacadaha ugu tayada badan dunda ayaa bishaan soo saaray warbixin cusub oo looga hadlay 22 ku oo Jaamacadood.

Web Metrics ayaa marka uu miineynayo Jaamacadaha ka fiiriya arrimaha kala ah: Tayada cilimbaarista ee ay Jaamacadaas soo saarto, islamarkaana lagu dhigo Siminaarada caalamiga ah, heerka Masaadirta Waxbarasho iyo cilmi baarista ee caalamiyan loo alifay ee laga heli karo Jaamacadda, Saameynta caalami ahaan Jaamacaddu ku leedahay dunida iyo sida kuliyaadka Jaamacadda looga heli karo boga ay ku leedahay Internet-ka.

Jaamacadaha la qiimeeyey waxaa ku jira Jaamacadaha dalalka Carabta, kuwaasoo Soomaali badan u waxbarasho tagaan. Jaamacadaha ayaa kala ah sidan:

1- King Saud University oo ku taalla Saudi Arabia, waxeyna gashay lambarka 356 ee heer caalami

2- Cairo University, Egypt (Masar), waxey gashay lambarka 358 caalami ahaan.

3- University of King Abdul Aziz, Saudi Arabia, waxey gashay lambarka 711 caalami ahaan.

4- American University in Cairo, oo gashay lambarka 904 caalamiyan.

5- Mansoura University, Egypt, oo gashay lambarka 911.

6- American University in Beirut, oo gashay lambarka 915 caalami ahaan.

7- King Fahd University of Petroleum and Minerals, Saudi Arabia, gashay lambarka 918.

8- United Arab Emirates University, oo gashay 1033.

9- University of Alexandria in Egypt, oo gashay 1223.

10- University of Jordan, oo fariistay lambarka 1348.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.