10 Askari oo ku dhaawacmay Weerarkii Kismaayo oo la keenay Magaalada Muqdisho

Muqdisho (Mareeg)—Ugu yaraan 7 Askari oo ka mid ah Dadkii ku soo dhaawacmay Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee Shalay lagu qaaday Xerada tababarka Ciidamada Dowladda ee Degmada Kismaayo ayaa maanta la keenay Magaalada Muqdisho.

7-dan Askari ayaa dhaawacooda lagu sheegay mid aad u daran islamarkaana wax looga qaban waayay Isbitaalada Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Cabdirashiid Macali Gaas oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa sheegay in ay liidato Xaalada Caafimaad ee askartan ku soo dhawacay Weerarkii Cuslaa ee Shalay ka dhacay Kismaayo.

Sikastaba, dhaawacyada Askartan ee maanta la keenaya Magaalada Muqdisho ayaa yimid kadib markii Shalay Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu isku miidaaamiyay Xero lagu tababaro Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ku taala Magaalada Kismaayo.